Madaxweynaha DFS oo dib u furay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya
October 12, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib u furay safaaradda dowladda Shiinaha ee Soomaaliya waxaana munaasabada dib u furida safaarada Shiinaha lagu qabtay xarunta Safaaradda ee Muqdisho.
Munaasabada si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho waxaana xaflada ka soo qeyb galay Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha, Danjirayaal, diblomaasiyin, iyo marti kale.
Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wei-Hongtian ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dib loo furo safaaradaha Shiinaha wuxuuna sheegay in ay xoojin doonaan xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Wasiirka arrimaha dibadda ee DFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha sida ay mar waliba u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in DFS ay xoojin doonto xiriirka ay la leedahay dowlada Shiinaha
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan shacabka Shiinaha iyo dowladooda,sida ay u taageeraan mar walba shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii ayaa Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray Safaarada Shiinaha ay ku leedahay dalka Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net