Madaxweynaha DFS u ambabaxay dalka Emirate-ka Carabta
October 29, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa galabta u ambabaxay dalka Emirate-ka Carabta halkaas oo uu uga qeyb galayo shir heer caalami ah, oo looga hadli doono arimaha burcad badeeda Somalida, kuwaas oo khatar ku haya marinka Badweynta Hindiya.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ku sii sagootiyey Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Ra’iisal Wasaaraha DFS C/weli Sheekh Axmed Maxamed ,Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM.
Shirka ka furmaya magaalada Dubia ee xarunta dalka Emirate-ka Carabta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb gali doona Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdi weli Gaas ,Madaxweynaha Galmudug Jen Cabdi Cawaale Qeybdiid iyo madax kale .
A/Cawale
Halgan.net