Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo tegay Ceelbuur iyo Beledweyne
October 23, 2014 - Written by EditorCeelbuur:-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar aan horay loo si shaacin waxaa ku tegay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdga la socday ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiil a tirsan ciidana AMISOM ,kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya maamulka degmada Ceelbuur, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku nool degmada Ceelbuur.
Wafdiga Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo gooni gooni ah la qaato waxgaradka iyo odayaasha degmada Ceelbuur ee gobola Gal-gaduud.
Safarka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu saaka ku tegay degmada Ceelbuur ayaa u jeedkiisa waxaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu doonayo in uu u kuurgalo xaaladda nololeed ee dadka ku nool degmada Ceelbuur.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa horay uu booqasho ugu tegay degmooyinka kala ah Cadale, Baraawe Marko iyo magaalooyin kale, kuwaas oo ay gacanta ku hayn jireen ururka Al-shabaab balse ay kala wareegeen ciidanka DFS oo gacan ka hellay kuwa AMISOM.
Dhinac kale Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale isla saaka waxaa ay booqasho ku tageen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wafdiga madaxwaynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, waxaan ku soo dhaweeyey maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Beledweyne, Saraakiil ciidan ,odayaasha dhaqanka iyo dadweyne magaalada
A/cawaale
Halgan.net