Madaxweynaha Puntland oo ka dhoofay Garoowe kuna sii jeeda dalka Britain[Cod/Masawiro]
October 16, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyagoo ku sii jeeda magaalada London ee caasimada dalka Ingriiska.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intii uusan ka dhoofin waxaa uu la hadlay saxaafadda isagoo sheegay in safar ku tegayo dalka Ingriiska balse uu ku sii hakan doono dalka Itoobiya oo uu madaxda dalkaas uu la yeelan doono kulamo kale duwan.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saxaafadda u sheegay in shir ka dhacay dalka Ingriiska una saabsan maalgashiga lagu casumay dalka Soomaaliya dowladda Puntland oo kaliya shirkaasna ay ka soo qayb geli doonaan madax badan oo dalalka afrika
Safarka Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ku weheliya wasiirka beeraha iyo waraabka dowlada Puntland Cabdi Ismaacil Bos iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shirka ka dhacay dalka Ingriska uu muhiim u yahay Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan Puntland uuna soo bandhigi doono dowrka maalgashi ee Puntland si guul looga gaaro dhinac kaabayaasha dhaqaalaha.
no images were found
Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay saxaafadda
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/qmohx3v3rc/gaaslondon.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net