Madaxweynaha Jubba oo ka hadlay Abaaraha ka jira Gobolka Gedo.[Dhagayso]
October 5, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo dadweynaha ula hadlay magaalada Kismaayo salaadii ciida ka dib ayaa alle uga baryey Nabad iyo Barwaaqo uu ku gaarsiiyo sanadka soo socda Allena uu Abaaraha jira Gobolka Gedo ka saaro Rooban u da’iyo.
Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulkiisa ay cafis u fidin doonaa maxaabista aan gelin danbiyada culus sidda dilka Iwm.
Dhinac kale madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay dhalin yarad ka titsan Al-shabaab in ay isku soo dhiibaan mudo 48 saacadood ah qofkii isku dhiiba maamulka Jubbana ay ula dhaqmi doonaa si wanaagsan.
Hoos Ka Dhagayso Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/mxno895xqg/madoobe.mp3]A/cawaale
Halgan.net