Madaxweynaha PL Dr Abdiweli Maxamed Cali Gaas oo gaadhay magaalada Dubai.[Masawiro]
October 29, 2014 - Written by EditorDubai:-Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa caawa fiidkii gaadhay magaalada Dubai ee wadanka isutaga imaaraadka carabta.
Madaxweyne Gaas iyo wefitigii uu hogaaminayey ayaa ka dib markii ay kasoo degeen Dubai International Airport ayaa waxaa lagu qaaday baabuurta martida waxaana loo gelbiyey Hotel ka weyn ee la yidhaahdo JW MARRIOTT MARQUIS DUBAI, halkaas oo ay ku sugnaan doonaan mudada ay joogi doonaan Magaalada Dubai.
Madaxweynaha oo kusoo hakaday maalin Magaalada Addis-Ababa, kadib markii uu kasoo laabtay magaalada London oo uu mudo todobaad ah ku sugnaa ayaa Salaasadii gelintii danbe kasoo kicitimay magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ooay ka mid yihiin Wasiirka Beeraha Mudane Boos, Wasiirka Dekadaha iyo Ladagaalanka Budhcadbadeeda Mudane, Abdillaahi iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada ayaa waxaa ay magaalada Dubai ku sugnaan doonaan mudo labo maalmood ah.
Madaxweynaha ayaa waxaa lagu casumay shir weyne caalami ah oo ka furmioona magaalada Dubai maalinta Arbacada berrito ee fooda inagu soo haysa, shirweynahaas oo dawlada Puntland lagu soo casumay.
Shirweynahan berrito furmi doona ee uu madaxweyne Dawlada Puntland Dr. Abdiweli uu ka qayb geli doono ayaa waxaa looga hadli doonaa ladagaalanka budhcad badeeda iyo kaluumaysiga sharcidarada ah.
Dhinaca kale shiweynahakan oo ah mid caalamiya ayaa waxaa kasoo qayb geli doona Puntland, Somaaliya, Masar, Jabouti, Kenya, Sudan iyo dhamaan wadamada xuduudaha dhinaca bada ah la leh Puntland iyo Somaaliya oo idil.
Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa shirkaas ka jeedin doona khud bad dheer oo ku saabsan sida ugu wanaagsan ee loola dagaalami karo budhcad badeeda iyo kaluumaysiga sharci darada ah oo ay hore dawlada Puntland ugu aqoonsatay inuu yahay masiibo Qaran.
Madaxweyne Gaas iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa waxaa lagu wadaa inay Puntland dib ugu soo laaban doonaan todobaadka fooda inagu soo haya horaantiisa.
no images were found
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland.