Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland oo la kulmay Madaxa Hay’adda WFP ee Soomaliya
October 20, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa Maanta Xafiiskiisa Xarunta Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda Cunada Adduunka WFP ee Soomaliya Mr.Laurent Bukera ,Mr.Abubakar Sidiiq oo isna ah Madaxa Hay’adda WFP ee Puntland iyo Saraakil katirsan Hay’addaasi.
Dhinaca Puntland waxaa Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay kala qeyb galay Kullanka Wasiirka Wadaaradda qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cali Axmed Faatax ,Wasiirka Wasaaradda Deeganka Puntland Guuleed Saalax Barre iyo Sidookale Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdisalaam Xassan Ducaale.
Mudadii uu socday Kullanka ayaa waxa ay uga wada hadleen qodobo Muhim ah oo ay kamid ahaayen:-
1: Dardar gelinta Dayactirada lagu sameynayo Dekedda ,Wadooyinka iyo Garoomada diyaaradaha ee Puntland.
2: Dhamaystirka Dhismaha Xarunta Hay’adda WFP ee Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland .
3: In Hay’adda WFP ay Xaduudaha Puntland gaarsiiso howlaheeda iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladdaha Hoose ee Puntland.
4: Xoojinta Mashaariicda Horumarineed ee Hay’adda WFP hadda kawado gudaha Puntland sida Food Work iyo Food Voucher oo muhiimad weyn u leh Puntland .
no images were found
Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa ugu dambeyn Madaxda Hay’addaasi kula dardaarmay in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradaha Puntland gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalami ah ee Puntland ,Wasaarada Caafimaadka Puntland ,Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ,Wasaaradda Deegaanka iyo Wasaarada Beeraha Puntland si howlaha horumarineed ee hay’addaasi kawado Puntland u noqdaan mira dhal .
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.