Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo la kulmay Agaasimaha Xafiiska UNDP ee Soomaliya (Masawiro)
October 26, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne Ku Xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camay ayaa Maanta Xafiiskiisa Xarunta Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNDP ee Soomaliya Mr.George Conway.
Mr.George Conway ayaa waxaa kullanka ku wehliyey Sayed Sahibzada oo ah Madaxa Xafiiska UNDP ee Puntland .
Dhinaca Puntland waxaa Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay kala qeyb galay Kullanka Wasiirka Wasaaradda qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cali Axmed Faatax iyo Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdisalaam Xasan Ducaale.
Mudadii uu socday Kullanka ayaa waxa ay uga wada hadleen qodobo Muhim ah oo ay kamid ahaayen:-
1: Barnaamijyada UNDP (ROLS) oo ku saabsan Tababarka Booliska,Maxkamadaha iyo Xabsiyada Puntland.
2: Kor uqaadida Xirfadaha aqoonta shaqaalaha Puntland.
3: Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland.
4: Maamul Wanaaga .
no images were found
Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa ugu dambeyn Madaxda Hay’addaasi kula dardaarmay in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradaha Puntland .
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland