Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo si weyn looga ciiday (Masawiro)
October 4, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa saakay laga dareemayay jawi aad u dagan kaasi oo Bulsha waynta ku nool Magaaladu ay ku gudanayeen Munaasabada wayn ee Ciidul Adxaa.
Masaajida waaweyn ee Magaalada ayaa waxaa lagu Maqlayay Takbiirta tan arooryadii hore , waxaana kamid ahaa Masaajidda Ciida lagu tukanayay Masjidka weyn ee Ramadaan iyo Masjidka Abuu hurayra.
Wadooyinka waaweyn ee Magalada ayaa waxaad ku arkaysaa Dadwayne isku jira Rag Dumar iyo Caruur oo ku labisan Dhar aad u qurux badan oo indhaha soo jiidanaya , iyada oo ay Wajiyada Dadka ka muuqatay Farxad aad u wayne.
Masaajidka Abuu hurayra oo kamida Masaajiddii sida wayn loogu ciiday ayaa waxaa kamid ahaa Dadkii kusoo tukaday Qaar kamida Wasiirada Punt land sida Wasiirka Waxbarashada Punt land Cali Xaaji Warsame, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Muxamed Yuusuf Tigey , Duqa Degmada Gaalkacyo C/casiis Muxamed Guuled (Nugaal) iyo kuxigeenkiisa Yacquub Maxamed Cabdalle .
Waxaana dhamaan Masuuliyiintaasi ay Bulshada waynta ugu Hambalyeeyeen Munaasabada Ciidul Adxaa iyaga oo kula dardaarmay inay Amnigooda ilaa shadaan.
Masaajidka Ramadaan oo ah Masaajidka ugu wayn ee Magaalada Gaalkacyo waxaa Salaadii Ciida kadib Khudbada Ciida soo jeediyay Dr.Aadam Muxamed Cigaal waxaana uuna Dardaaramo kala duwan usoo jeediyay Bulshada qaybeheeda kala duwan Dhalinyarada , Dumarka ,iyo Odayaasha waxaana uu sheegay in laga doonayo Dadwaynaha Gaalkacyo ku nool inay Midoobaan kana hortagaan wax walba oo Horumarkooda ka hor imaanaya.
no images were found
Dr.Aadam waxaa uu aad ugu booriyay Dadka inay Amaankooda ilaashadaan kana fogaadaan wax walba oo khal khal ku keeni kara Amniga.
Sikastaba ha ahaatee inta badan Dadwaynaha Magaalada Gaalkacyo ayaa Maantay u dabaal dagayay Munaasabada Ciidul Adxaa iyada oo ay jireen Qaar kamida Culimada Suufiyada oo iyagu ka hor yimaaday inay Maanta Ciid tahay.
Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)
Halgan.net