Magaalada Laascaanood oo si weyn looga Ciiday.[Masawiro]
October 4, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa saaka si wayn looga Ciidey iyadoo dadka magaalada ku tukadeen Badankooda Musalaha weyn ee magaalada Laascaanood .
Salaada Waxaa la Tukadey 8:10 am , Waxaa Culimada Magaalada Laascaanood ay Xasuusi yeen Shacab waynah ku nool Laascaanood Alle ka cabsiga iyo in ay saxaan wixii ka Khaladan ee u baahan in la hagaajiyo.
Saaaka jawigu wuxuu ahaa mid aad u qurxoon iyo Saddexdii habeen ee u danbeeyey magalaada uu ka da’ady Roobab lagu diirsadey Musallaha weyn ee Koonfurta Magaalada Laascaanood ayaa ah Musallaha lagu tukado Salaadaha Ciida iyo kuwa Roob doonta.
no images were found
Mawliid Isma Haradigeed
lascanod, Somalia