Markabka sida qalabka lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo kusoo xirtay Dekeda Bosaso[Masawiro]
October 15, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Markabka sida qalabka lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu maanta ku xirtay Dekeda magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari. Waxaa sidoo kale gaaray Dekeda magaalada Bosaso masuuliinta Maamulka Gobolka Bari,Maamulka degmada Bosaso,isimo ,siyaasiyiin iyo Injineerada shirkadda dhisaysa Garoonka Diyaaradaha Bandarqaasim CCECC .
Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim Bashiir Muuse Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu la hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay in bilaha soo socda ay Puntland yeelan doonto Garoon Caalami ah oo ka soo degaan diyaaradaha caalamiga ah .
Bashiir Muuse Cabdiraxmaan Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso uu qeyb ka yahay balanqaadyadii uu sameeyey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’
Waxaa sidoo kale gaaray Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim Mas’uuliyiinta ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawada ee Puntland .
Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Galan iyo Duqa Magaalada Boosaaso Xasan Cabadala ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin qalabka dhismaha ee Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim ee maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.
no images were found
M_M Deeq
Halgan.net