Maxkamada ciidamada DFS oo xukun dil ah ku fulisay labo eedeysane.
October 26, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee DFS ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay gacan ku dhiigalayaal la sheegay in ay dileen alaha u naxariistee wariye Maxamed Maxamuud Timo Cadde.
labada qof ee saaka ay toogatay Maxakamada ciidanka DFS ayaa waxaa ay kala yihiin Cali Bashiir Cusmaan oo da’diisa lagu sheegay 22 jir waxaana ay ciidanka amaanka ka soo qabteen Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir iyo C/llaahi Shariif Cusmaan oo isagana laga soo qabtay degmada Dharkiinleey
Gacanku dhiiglayaashaan ayaa waxaa lagu toogtay barxada iskuul Boolisiya ee magaalada Muqdisho waxaana halkaas ku sugnaa wariyaal iyo saraakiil ka tirsan ciidanka DFS .
Bahada Warbaahinta ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyey in cadaalada la mariyo kooxaha Amniyaadka ee Al-Shabaab ee boqolaal ku qof ku dilay magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net