Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukun kala duwan riday (Masawiro)
October 13, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta waxay xukun kala duwan ku riday Lix qof oo lagu eedeeyey in ay Al-Shabaab ka tirsan yihiin dadka la horkeenay maxkamada ayaa waxaa ku jirtay qof haween ah.
Liiska Magacyada maanta la horkeenay Maxkamada ayaa waxaa kala yihiin
1-Ismaaciil Cabdulqaadir Jicmaale.
2-Daa’uud Aadan Ibraahim.
3-Faarax Axmed Maxamed.
4-Salmo Cali Maxamed.
5-Cabdiweli Cabdullaahi.
6-Saacad Aadan Cabdullaahi.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Gobolada Bari,Karkaar,Sanaag ,Hayland iyo Gardafuu Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa markii la dhageystay eedeymaha loo soo jeediyey lixda qof ee maxkamada la keenay wuxuu ku dhawaaqay xukun kala duwan waxaana ay maxmanadu dil toogasho ah ku xukunta Ismaaciil Cabdulqaadir Jicmaale oo 24 04 2014 ay qabteen ciidanka amniga ka dib markii ay fashilantay miino uu dhigayey oo faraha go,ysay.
Waxaa kale oo ay maxkamada ay 5 sano oo xarig ah ku xukuntay Daa’uud Aadan Ibraahim oo laga soo qabtay deegaanka Sugure ee Galgal.
no images were found
Maxkamada ciidanka Puntland ayaa waxaa kale oo ay danbi ku weyday oo ay sii deysay
1-Faarax Axmed Maxamed.
2-Salmo Cali Maxamed.
2- Cabdiweli Cabdullaahi
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Gobolada Bari,Karkaar,Sanaag ,Hayland iyo Gardafuu Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa sheegay in dib loo dhigay maxkamada eedeysane Saacid Aadan Cabdullaahi .
M_M Deeq
Halgan.net