Maxkamadda dambiyada ee Puntland oo maanta fulisay xukun qisaas ah (Masawiro+Cod)
October 20, 2014 - Written by EditorQardho:-Maxakamada dambiyada culus ee Puntland ayaa maanta waxay dil qisaas ah ku fulisay gacan ku dhiigle Maxamad Warsame Saxar oo horey u dilay Cabdullaahi Faarax Gaacshe oo ahaa taliyaha ciidanka booliska degmada Rako ee gobalka Karkaar.
Gacan ku dhiigle Maxamad Warsame Saxar ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay ciidanka amaanka ee gobalka Karkaar ka dib markii in mudo ah lagu daba jiray waxaana soo qabashadiisa qeyb weyn ka qaatay waxgaradka iyo Nabadoonada gobalka Karkaar.
Goobka uu ka dhacay Qisaaska ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha maxkamadda dambiyada culus, ehelada laba marxuum iyo saraakiil ka tirsan gobalka Karkaar.
no images were found
Gudoomiyaha maxkamadda gobalada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylan C/fitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay in qofkii qof dila uusan baxsan doonin ayna arin fiican tahay in la qisaaso qofkii xaqdaro wax ku dila
Hoos ka Dhageyso Ehelada Cabdullaahi Faarax Gaacshe oo ka hadlaya qisaasta loo fuliyey
A/Cawale
Halgan.net