Meydka Taliyihii ciidanka Booliska ee DFS oo Nairobi loo qaaday
October 31, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Alle ha u naxariistee waxaa dhawaan loo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya meydkii Taliyihii Ciidamada Booliska dowladda federaalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Sh.Xassan ismaaciil oo shalay ku geeriyooday Muqdisho.
Taliyihii Ciidamada Booliska DFS Gen.Maxamed Sheikh Xasan Ismail ayaa meydkiisa waxaa lagu samayn doonaa baaritaan dhinac caafimaada ah a dib shaki soo baxay oo ah in Taliyaha la sumeeyey.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Dowlaadda Federaalka Somaaliya ayaa horay u si raacay meydka Taliyihii Ciidamada Booliska dowladda federaalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheikh Xasan ee saaka loo duuliyey magaalada Nairobi.
Geerida Taliyihii Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Gen.Maxamed Sheekh.Xassan Ismail ayaa ku soo beegantay xili khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sh Axmed iyo weliba Hay’addaha Garsoorka.
Gudiga oo shan xubnood ka kooban ee loo xilsaaray in ay soo baaraan geerida Taliyihii Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Gen.Maxamed Sheekh.Xassan Ismail.
1-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed (Guddoomiye)
2- Wasiirka Caafimaadka Cali Maxamed Maxamuud (Xubin).
3- Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow (Xubin).
4-Wasiirka Beeraha Axmed Cabdi Baafo (Xubin).
5-Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg (Xubin).
A/cawaale
Halgan.net