Mu,asasada Al-Karam oo sagootiyey wafdi culimo ku sii jeeda dalka Sacuudiga
October 1, 2014 - Written by EditorHargeysa : Mu.asasada al-karam ee dacwada iyo horumarka ayaa galabta oo arbaca ah waxay sii sagootiday wafdi balaadhan oo ah culimo iyo ducaad u ambabaxay dalka boqortooyada sucuudiga carabiya .
Culimadan ayaa waxaa ka mid ahaa :
1-Sheekh Muxamed Cumar Dirir oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed
2-Sheekh Maxamed Cali Biixi oo dalka si wayn looga yaqaan
3-Sheekh Maxamed Maxamuud Ciise oo ah Gudoomiyihii hore ee Mu,asasada Al-Minhaaj ee dacwada iyo horumarinta haddana ah gudoomiye ku xigeenka jaamacada bariga afrika.
4- Sheikh Abu bakar Khaliif Maxamed oo ah gudoomiyaha mu,asasada al-safa ee dacwada iyo horumarinta .
5-Sheekh C/casiis Xasan Cali Nuur ( raantiisi ) oo ah gudoomiyaha idaacada Al-Nuur ee Magaalada Muqdisho
6- Xasan Ismaaciil oo ka mid ah culimada magaalaada Hargaysa
no images were found
7-Sheekh C/Shaafi Axmed Cali oo ah gudoomiyaha jaamacada bariga afrika faraca Buuhoodle Iyo culimo kale .
Culimadan galabta ka duulay madaarka magaalada Hargaysa ayaa waxaa casumaad u fidisay lajnada dacwada ee afrika oo fadhigoodu yahay dalka sucuudiga.
Mu.asasada Al-Karam ee Dacwada iyo Horumarka
Hargeysa