Mu’asasada SAFAA oo qabatay kulan dacwadeed munaasabadda Ciidul Adhxaaga[Masawiro]
October 8, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Talaado 13/12/1435H Mu’asasada SAFAA ayaa ku qabatay xarunteeda magaalada Muqdisho kulan loogu talo galay munaasabadda Ciidda, kulankaan waxaa ka soo qeyb galay culumaa’udiin, bareyaasha jaamacadaha , macalimiinta , dhalin yarada, waxaana looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha dacwada loona horumarin lahaa.
Ugu horeyn waxaa kalimad wacyigelin ah ka jeediyay Sh.C/laahi Sh Nuur oo ka sheekeey marxaladihii ay soo martay dacwada & juhdigii lagu bxixiyay , wuxuuna kula dardaarmay xuduurka kulanka in ay waqti & maalba geliyaan dacwada, & ka hortagga fasaadka & munkaraatka, ka dib waxaa kalimad ka jeediyay Sh Maxamed Nuur Cabdi Cismaan oo ah ku simaha guddomiyaha mu’asasada SAFAA oo ka hadlay waxqabadka dacwadeed ee mu’asasada labadii sano ee ugu dambeysay, ka dibna waxaa kalimad gaaban koo jeediyay madaxa mu’asasada ee gobolka Banaadir , Sh. Aweys Maxamed Sheekh oo kula dardaarmay ka soo qeyb galayaasha in ay sii xoojiyaan howlaha dacwadeed ee mu’asasada , intaa ka dib waxaa darsi aad u qiimo badan oo ku saabsan:
(البصيرة في الدعوة إلى الله ) halkaa ka soo jeediyay Sh.Bashiir Axmed Salaad, sheekha ayaa darsigaan ku iftiimay qodobo dhowr ah oo qofka daaciga ah u noqon kara sahay iyo tusaale, ka dibna ka qeyb galaasha ayaa loo qeybiyay majmuucaad waxayna ka doodeen sida loo horumarinka howlaha dacwadeed ee ku wajahan qeybaha bulshada , waxayna soo saareen talooyin muhiim ah oo arintaas la xiriirta. Kulanka ayaa ku soo gebogeboobay si wanaagsan.
no images were found
Mu’ssadda SAFAA
Muqdisho,Somalia