Qarax dad shacab ah ay ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho
October 15, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa qarax is miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey lagu weeraray Makhaayad ku taala degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho. Qarax ayaa caawa waxaa ku dhintay ilaa 5 qof halka tiro kalena ay ku dhaawac meen.
Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne Abdulkhadir Maxamed Abdulkadir oo la hadlay idaacadda VOA ayaa waxaa uu u sheegay in qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo laguna bartilmaamsaday makhaayad aan ka fogayn dhismaha Golaha Murtida iyo Madadaalada.
Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili saaka qarax lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Hay’adda Nabad suggida ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo dad shacab ah.
A/cawaale
Halgan.net