Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saaka ku sii jeeda Garoowe
October 10, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Ra’iisul Wasaaraha DFS C/wali Sheikh Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland. Qabanqaabo balaaran oo lagu soo dhaweynayo wafdiga Ra’iisul wasaaraha DFS ayaa saaka laga dareemayaa magaalada Garoowe waxaa ilaa xalay ilaa shalay ay ciidanka amaanka ay aad u adkeeyeen amaanka guud ee magaalada Garoowe.
Ciidanka madaxtooyadda , Booliska iyo weliba kuwa nabadsugida ayaa lagu arkayaa goobo ka mid ah magaalada Garoowe waxaan ay hakiyeen qaybo ka mid ah dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo kuwa gaadiidka.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sh Axmed Maxamed iyo wafdigiisa ayaa ku ekaan doonin magaalada Garoowe balse uu socdaal ku tegi doono magalaada xeebeedka ee ganacasiga ee Boosaaso.
Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sh.Axmed Maxamed iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay madaxda dowladda Puntand kala hadli doonaa khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland khilaafkaas oo ka dhashay maamul u samaynta gobollada dhexe
M_M_Deeq
Halgan.net