Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo bulshada uga digay Shirkad Ribada wax ku iibisa.[Dhagayso]
October 21, 2014 - Written by EditorWaxaa maantay masjidka Al-huda Magaalada Garowe kalimad qayim ah ka jeediyay Sh.Maxamuud Xaji Yusuf Waxaana Kalimadaani oo laga sii daayay Inta badan Idaacadaha Maxaligaa uu Sheekhu kaga hadlay Shirkad la yiraahdo (Tiyaasin Group ) taas oo laga leeyahay dalka Chaina Xarumana ku leh meelo badan oo dalka Somalia ka mid ah waxaana sheekhu qiray in ay tahay mid ka mid ah musiibooyinka haysta dalka Somali.
Sheekha ayaa ku dheeraaday faah faahin uu kabixiyay shirkado badan oo caalamul islaamka sidaan oo kale u soo gubay kuwaas oo dhamaan Culimadda Caalamku isku raaceen in ay yihiin shirkadaas iyo kuwa noocaas oo kale u shaqaysta kuwa aan banaanayn oo ay tahay dariiqa Ribada taas oo ah mid diinteenu Xaaraamaysay .
Waxaa kale oo sheekhu soo bandhigay habka shirkadaan u shaqayso taas oo ah mid aan waafaqsanayn shareecadda Islaamka Waxaana uu ku eedeeyay Shirkadaan In ay dadka ka qaado $200 taas oo ah mid ay daku in ka mida dawo kuwaataan islamarkaana qofwalba ka dhaadhiciyaan in ay u noqdaan Suuq gayn hadii ay ku soo xiraan shirkada 5 qof waxay helayaan lacag u soo dhacaysa bilwalba taas oo ah mid ay ku maga caabaan hadiyad Waxaana islamarkaa qofwalba laga qaadaa$25 oo ah mid Diiwaan galin ah .
Waxaa Sheekhu soo daliiliyay ayaatka Qur’aanka kariimkaa iyo Zunada Nabigeena muxamad Salallahu Calayhi Wasalam , Isku soo wada duubo maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kasocotay hadalhaynta shirkadaan io habka ay uwado adeegeeda waxaana Sheekhu uga digay Bulshada In aysan wixii nidaamkaas ah aysan u dhawaaan.
Dhinaca dawada waxaa Sheekhu sheegay in cidii Daawo ahaan u iibsanaysa ay tahay daawo dad badan ku caafimaadeen dhibkuna uu san ahayn Dawada ee ay tahay dhibku habka ku saabsan lacagaha Iyo dadka suuqgaynta loo diiwaan galinayo.
no images were found
Hoos ka Dhagayso Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo bulshada uga digay Shirkad Ribada wax ku iibisa
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/adergnkr6x/shirkadribo.mp3]Nuur Jaamac Aadan
Al-Minhaaj Garowe