Shirkadaha Xawilaadaha iyo kuwa Isgaarsiinta oo lagu wargeliyey in aysan u fulin adeeg qof aan wadan Kaarka Aqoonsiga PL.
October 30, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladdaha Hoose ee Puntland ayaa Digreeto ka soo baxday waxaa lagu amrayo dhamaan shirkada ka shaqeeya adeegyada xawilaada lacagta iyo kuwa Isgaarsiinta in aan wax adeeg ah u samayn karin qofka aan haysan kaarka aqoonsiga ee dhalashada Puntland.
Digreetadan ayaa waxaa ay ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash 27kii Oct 2014, iyadoo dhamaan Masuuliyiinta shirkadaha Isgaarsiinta, Xawilaadaha Puntland, gudoomiyaasha Gobollada iyo degmooyinka la gaarsiiyey si loo dhaqan geliyey Digreetada ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Axmed Cilmi.
Hoos ka akhriso digreetada ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash
no images were found
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net