Shirweynaha Beesha Cilmi Naaleeye oo ka furmay Magaalada Adhicadeye ee Gobolka Sool.[Masawiro]
October 18, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Shirkaan beesha Cilmi Naaleeye ee Midnimo oo ka furmay Magaalada Adhicadeeye gaar ahaan Dooxada Qarash,la oo ka mid Dooxada Kuba shirkaan ayaa waxaa halkaas furitaankiisi ka soo qayb galay guud ahaan waxgaradka Deegaanka Adhicadeeye iyo magaalada Laascaanood.
Qodobada laga hadli doono shirkaas oo ay ka mid ka yihiin turxaan bixinta beesha Cilmi Naaleeye dhexdeeda, xoojinta nabad ku wada noolaanshaha dadka dariska, ah iyo horumarinta Deegaanka Adhicadeeye sidda waxbarashada Caafimaadak,Biyaha Dhaqaalaha Ilaalinta Deegaanka.
Guud ahaan shirkaas ayaa waxa ka sooqayb galay beesha Cilmi Naaleeye,waxgarad Culimo Aqoon,yahano,ururada Haweenka ururada dhalinyarada waxana madashaas kahadlay odoyaal ay ka mid yihiin.
Jaamac Cali Geele, Yaasiin Farao Qadhoon, Aadan Cali Geele,Caydiid Diiriye,Abshir Aadan,Ibraahim Dhalac,Cabdi Cowke, Baashe Cali Jaamac.
Xay Xaaji Saalax, Ibaraahim Cali shube, Abshir Aadan, Hure Maxamed Muuse, Khadar Cali Jaamac , Maxamed Dubad, Cabdi- Casiis C\laahi Faarax, Ibraahim Cali Mire, Jaamac Yuusuf Ismaaciil, Cabdale,Yaasiin Cismaan Oogle Sh Siciid Axmed Cadar Sh Maxamed saleebaan Warsame.
Dhamaantood waxgaradkaas iyo aqoonyahanada culimada ayaa halkaas ka duceeyay waxana siwayn looga hadlay sida muhiimka ay utahay horumarinta deegaanka iyo wax wada qabsiga dadka waxana ay Ilaah ka baryeen in uu guul ku dhamaado shirkaas lagana soo saaro qodobo dhaxal gal ah kaas oo ay si wayn u rajaynayaan guud ahaan shacabka deegaanka Adhicadeeye.
Sidoo kale waxaa halkaas hadalo qiimo badan ka soo jeediyay hablaha Beesha Cilmi naaleeye oo ay matalayeen Aamina Xaaji Cawad,Khadiija Sanwayne oo guud ahaan ugu baaqay in midnimada beesha la siixoojiyo, waxana ay tusaale u soo qaateen isku xidhnaanta hablaha beesha Cilmi Naaleeye,kuwaas oo miisaan wayn ku dhex leh guud ahaan beelaha Dhulbahante.
no images were found
C/kariim C/laahi
Lascanod,Somalia