Taliyaha ciidanka maamulka KMG Jubba oo faahfaahin ka bixiyey howlgalo ka socda J/hoose
October 8, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo saaka ka sameeyey deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo ay shalay ka qabsadeen kooxda Al-Shabaab .
Taliyaha ciidanka maamulka KMG ee Jubba, Aadan Maxamed Ibraahim Aadan Koojaar ayaa sheegay in ay howlgalo ka fuliyeen deegaannada deegaannada Baar-sanguunni, Bangeenni, Mugaanbow mana uusan sheegin in ay cid soo qabteen.
Ciidanka Maamulka KMG ee Juba ayaa waxaa uu haatan ku sugan yahay deegaannada Baar-sanguunni, Bangeenni, Mugaanbow waxaana xalay deegaanka Mugaanbow 50 km waxay dhinaca waqooyi uga beegan yihiin magaalada Kismaayo ka dhacay iska horimaad u dhexeeya ciidanka huwanta iyo Al-Shabaab.
Taliyaha ciidanka maamulka KMG ee Jubba, Aadan Maxamed Ibraahim Aadan Koojaar ayaa sheegay in howlgalada ay ka dhanka ah Al Shabaab ay sii socon doonaan wuxuuna ku goodiyey inAl-Shabaab ay ka saari doonaan maalmaha soo socda Kamsuuma iyo Jilib
Diyaaradaha dalka Kenya ayaa sidoo kale duqeymo ka geystay deegaano ka tirsan goblka J/hoose oo ay howlgalada ka socdaan.
Cabdi Yare
Kismaayo