Wadaadadda Soomaalida iyo Siyaasadda W/Q Sh.C/baasid Sh.Ibraahim
October 17, 2014 - Written by EditorManchester:-Wuxuu yiri ( Wadaadow waxaa fiican inaad iska hilmaantaan Damacaan siyaasadeed ee aydaan qaadi karin , sababtoo ah waxaad ku hungowdeen inaad si fiican u maamushaan Ururadii Diiniga ah ee aad ka tirsan tihiin ama Masaajidadii ay Umadda idinku aamintey, hadalkiina waa qurxoon yahay, ficilkiinase waa ka liitaa kuwa siyaasiyiinta sheeganaya , iyagu wax bey kuu ogol yihiin Shaqo Xamaalinimo ahba ha noqotee, idinkuse waxba ma ogoladiin .
Cadowga Umadda waa idinka , koox mid kale wax u ogol ma jirto , kii dhaqaaqana idinkaa lug goynaya , waxaad Cadaalad ku maamuli Kari weydeen tiradii yareyd ee kooxdiina ahayd, sidee la idinku aaminayaa Inaad Dal Iyo Dad aad wanaag u sameysaan ) !!!!!!!!.
Waxaan ku iri : dhibaatooyin wey jiraan , dhaliilahana ma yara , In wadaad oo dhana la galaafto ma fiicna , hase yeeshee yaa yiri nin walboo Aayad ama Xadiis akhriya wuxuu noqon karaa hogaamiye ama maamule Urur Diimeed , Masaajid , hay’ad Samafal , Gudoomiye , Waziir, Iwm.
Ururada Diiniga ah ee Soomaaliyeed markii ay ku dhaqaaqeen wixii ay garanayeen guulo la taaban karo bey ka gaareen , markeyse ka leexdeen hawshoodi fashil bey la kulmeen .
Waxaa soo martey fursado aad qaali u ah oo Dalka iyo Dadka ay ugu adeegi kareen , hase yeeshee wey lumiyeen sababo ay ka mid yihiin degdeg aan loo dardayin , khibrad la’aan baahsan oo ka jirtey xagga Maamulka , Siyaasadda, Dhaqaaalaha, Iyo habdhaqanka Bulshada oo ah Aniga mooyee cid kale ma jirto , Taasoo keentey in loo arko iney yihiin Daneystayaal aan wax hambeyn. Weli fursad bey leeyihiin , laakiin cidii Umadda uga faa’ideynlahayd weli ma muuqata.
Waxaad in badan maqashaa Wadaado sheeganaya in ay gacanta ugu jirto ama ay maamulaan dhamaan goobaha waxbarashada Hoose , Dhexe, Sare , iyo Jaamacadaha , ayna leeyihiin Sharikadaha Dhaqaale iyo Ganacsi , ay u hartey oo keliya iney gaaraan Kursiga ugu sareeya Dalka !.
Waxaan filayaa inuu yahay hadal aan laga fiirsan oo xaqiiqada ka fog , ama keeni karta in Inta yar ee Iftiimeysa la tuso cadowga , sow ma aha in aanan weli fahmin waxa aan ka hadleyno.
Wadaadada (Ururada Islaaamiga ah) waxay gaareen Kursiga ugu sareeya dalka , haddana iyagaa diidey. waxaan filayaa iney Wadaadadu gaari karaan iney noqdaan Hogaanka Dalka , haddii ay si dhab ah Jawaab ugu helaan Umuuraha soo socda:-
1- Intee Ururada Islaamiga ah ka metelaan Bulshada Soomaaliyeed Boqolkiiba ?
2 – Ma u bisilyihiin inay garab istaagaan Qof walba oo ka shaqeynaya Maslaxada Umadda haddii xataa uusan ka tirsaneyn ururkooda, mise maya ?
3 – Ma ogol yihiin kala duwanaanta Ra’yi ee Bulshada ay qabto ?
4 – Ma hayaan Mashruuc dhaxalgal ah oo ay Umaddu ku soo jiidan karaan ?
5 – Ma heli karaan Hogaamiyayaal leh habdhaqan ay Bulshada kula dhaqmi karaan?
6 – Ma waxay rabaan in guusha lagu gaaro gacantooda oo keliya, mise waxay ogol yihiin in la gaaro guusha Ciddii doonta ha keentee ?
7 – Ururada ma wadaagaan Hadaf ay ku mideysan yihiin , mise mid walba waxeeda waa u gaar ?
Waxaan filayaa inay jiraan su’aalo farabadan oo ay dadku is weydiinayaan kuna saabsan hab dhaqanka Ururada iyo damacooda ku aadan xukunka iyo Talada dalka , xaqna waa u leeyihiin inay Xilkaa qabtaan , laakiin arinku wuxuu u eg yahay Faanoole fara kama qodna.
Mahadsanadiin.
C.baasid Sh. ibraahim