Wakiilka gaarka ah ee urur goballeedka IGAD ee Somalia oo gaaray Garoowe
October 13, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa dhawaan soo gaaray magaalada Garoowe ee xaruta dowladda Puntland wafdi uu hogaaminayo wakiilka gaarka ah ee urur gobaleedka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afey. Wafdiga wakiilka gaarka ah ee urur gobaleedka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afey ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxaa ku soo dhaweeyey wasiirka deegaanka dowladda Puntland Mudane Guuleed Saalax Barre iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Puntland.
U jeedka socdaalka uu ku yimid wakiilka gaarka ah ee urur goballeedka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afey ayaa waxaa lagu sheegay in uu goob joog ka noqon doono heshiis ay wada gaareen Madaxda dowladda Federeaalka Soomaaiya iyo Dowladda Puntland yadoo arrinkaas ay codsadeen Madaxda Puntand.
Waxaa ale oo la filayaa in saacaddaa soo socda uu soo gaari doono magaaada Garowe wafdi kale oo u horkacayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nichalos Kay ilaa hadda heshiiska ay isu afgarteen Puntand iyo DFS si rasmi ah lama shaacin.
Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaiya ayaa waxaa ay horay u gaareen heshiiyo fara badan oo aan ilaa hadda wax la taaban karo aysan ka dhaqan gelin.
M_M_Deeq
Halgan.net