Wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha Somalia oo tegay Garoowe
October 6, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha Somalia Ambassador Michele Cervone d’Urso waxaan soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka mid ah Golahiisa xukuumada.
Wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha Somalia Ambassador Michele Cervone d’Urso ayaa waxaa uu kulan saacaddo badan qaatay waxaa uu la yeeshay madaxweynaha Puntland iyo golahiisa xukuumada waxaan laga wada hadlay howlaha dhinac mashaariicda ee Midowga Yurub ay ka wadaan deegaaada Putland , maamul u samaynta gobollada dalka, xiriir dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland , Shrika New-deal ee dhawaan ka dhici doona magaalada Copenhagen iyo qaabkii ay ergada Puntland uga qayb gali lahayd iyo arrimo kale.
Dib ayaan idinkaga soo faahfaahin doonaa haddii Alle idmo socdaalka Wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha Somalia Ambassador Michele Cervone d’Urso uu u yimid Garoowe.
M_M_Deeq
Halgan.net