Warbixin ku saabsan abaarta Gobolka Gedo iyo waxqabadka Mu’ssadda Al-rahma.[Masawiro]
October 7, 2014 - Written by EditorGedo:-Qaybtii hore ee warbixinta waxaanu kaga warbixinay abaarta ka taagan bartamaha gobolka waxaanan raacinay Mu,asasada Al-raxma shaqada balaaran ee,ay halkaa ka qabatay, halkaana waxaanu kusoo gudbin doonaa goobo kale oo gobolka Gedo ka tirsan oo ay biyo dhaamin ka wado Mu,asasada alraxma waana goobaha ugu oonka iyo abaarta badan waxayna kala yihiin: deegaanada hoos yimaado degmooyinka: BELEDXAAWO, LUUQ, CEELWAAQ.
Beledxaawo.
Deegaanada ka kooban baadiyaha iyo tuulooyinka hoos yimaado degmada B/xaawo waxay kamid tahay goobaha ugu oonka badan ee ay Mu,asasada alraxma biyo dhaamiska ka wado, waxaa xusid mudan in qiimaha biyuhu aad u kala qaalisanyihiin gobolka dhexdiisa, marka laga eego kala fogaanta dhulka iyo jidadka oo kala fiican, tusaale ahaan booyada ugu raqiisan ee aan kadhaaminay Ceelwaaq waxaa nooga baxday 300$, halka booyada ugu qaalisan ee aan kadhaaminay B/xaawo ay nooga baxday 180$, waxaana halkaan kusoo gudbinaynaa goobihii biyaha lageeyay oo jadwalaysan: Halkaan ka eeg Warbixin ku saabsan abaarta Gobolka Gedo iyo waxqabadka Mu’ssadda Al-rahma qabtii 2aad
no images were found
Wixii faahfaafhin iyo xiriir ah oo ku saabsan abaarta iyo Mu,asasad Alraxmah kala xiriira: