Warbixin Safar ay soo Agaasintay raabidada ardayda Soomaaliyeed dalka Sudan (Masawiro)
October 12, 2014 - Written by EditorSudan:-Raabidada ardayda soomaaliyeed ee caalamiga ah ee xarunteedu tahay sudan gaar ahaan khartoum hoostagtana jamacada ictisaam bilkitaab wa sunnah,ayaa soo agaasintay rixlo ama dalxiis ay ka qayb galeen ardayda somaliyyeed ee ku nool magalada Khartoum iyo waliba kuwo ku joogay fasaxa magaalada Khartoum ee ka yimid gobalada sudan ee kala duwan.
Rixladaan ayaa waxaa kasoo qayb galay tiro arday ah oo kor u dhaaftay 200 .
Maalintii talaadada ahayd kuna beegnayd maalintii afraad ee maalmaha ciida 7/10/2014 waxaa xubnaha ardayda iyo waliba ardayda somaaliyeed ee kale ka qayb galeen rixladaan taarikhiga ah madama lagu guda jiray maalmo aad u qiima badan ardayduna wada ahaayeen fasax .
Rixlada ama daalxiiskaan ay soo agaasintay rabidada ayaa waxaa uu ka koobnaa sida tan:
Qur,aan uu akhriyay Maxamed Shurayb ,kalimad soo dhawayna uu soo jeediyay xoghayaha rabidada Cabdicasiis Nuur Caabi kalimad wacdiya uu soo jeediyay sheekh .dr maxamuud sh axmed (Abuushayba) sheekha ayaa kala hadlay ardayda soomaaliyeed dhinacyo badan si gaar ahaana waxaa uu ugu booriyay sheekhu ardaayda allle kaacaabsiga iyo kutoosnaanta wadada saxda ah .
Sidoo kale rabidada ayaa soo bandhigtay baaraamij saqaafi ah oo ay ku jirtay nadwo iyo waliba fatro ama waqti furan oo aragtidooda ay kusoo bandhigeen kaqayb galayaashii rixlada.
Safarkaan ayaa bilowday sacada markii ay ahayd sudan 8:30 AM waxaana uu soo gaba gaboobay sacadu markay ahayd 5:30 PM .
no images were found
Safarka ama rixladaas tarfiihigaa ee ay soo agaasintay rabidada ardayda somaliyeed ee calamigaa ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan oo farxad leh waxaana soogaba gabeeyay madaxa rabidada Sh. Xasan Muuse Nuux waxaana laga dheehan karay wajiyada ardayda soomaaliyeed ee sudan kana qayb galay rixlada farxad aad u badan madaama aay ahayd fursada ay kaheleen ardayda somaliyeed rabidada mid aan ku badnayn magaladaa Khartoum.
Xoghayaha rabidada : Cabdi Casiis Nuur Caabi
Halgan.net