Wasiirka arimaha dibada ee DFS oo u baqoolay dalka Itoobiya
October 26, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka arimaha dibada ee DFS C/raxmaan Ducaale Beylah ayaa maanta u ambabaxay magaalada Adis Ababa ee ee xarunta dalka Itoobiya wuxuuna ka qeyb gali doonaa shir ay wada yeelan doonaan wasiirada arimaha dibada ee dalalka ku bahoobay IGAD.
Wasiirka arimaha dibada ee DFS C/raxmaan Ducaale Beylah ayaa sheegay in shirka ka furmay magaalada Adis Ababa looga hadli doono arimaha si gaar ah muhiim ugu ah dalka Soomaaliya.
Shirka wasiirada arimaha dibada ee dalalka ku bahoobay IGAD ayaa waxaa la filayaa in lagu soo qaado khilaafka ka dhex taagan madaxda sare ee DFS iyo khatarta cudurka Ebola oo dhibaato weyn ku haya wadamada Afrika.
A/Cawale
Halgan.net