Wasiiro iyo culimo’udiin maanta booqday Buundada Midigar ee Sunijiif [Masawiro]

October 5, 2014 - Written by Editor

14Garoowe:-Wasiiro ka tirsan dowladda Puntland iyo culimo’udiin ayaa saaka booqasho ku tegay Buundada Midigar ee Sunijiif oo dhawaan iskaasha dhinaca shacabka Puntland oo ay hogaan u yihiin culimada iyo dowladda Puntland ay ku guulaysteen in ay dhisaan.

Wasiiradda Puntland iyo culimo’udiinka ayaa socdaalkooda waxaa uu ku saabsanaa in ay kormeeraan dhismaha cusub ee Buundada Midigar ee Sunijiif iyo in ay eegaan qaabka ay biyaha roobabkii da’ayey ay marayaan. Wasiiro ka tirsan dowladda Puntland iyo culimo’udiin ayaa waxaa socdaalkooda ku weheli yey Enjineero iyo waxgarad kormeerayey qaabka ay biyaha roobku oo ahaa kuwo xooggan ay uga gudbayaan Buundada Midigar ee Sunijiif.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland C/weli Xirsi Indhaguran oo socdaal kooda ka dib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in wax lagu mahadiyo Alle ay tahay dhismaha Buundada Midigar ee Sunijiif oo si wanaagsan loo dhisay.

Dhinac kale Sh.Cabdiqani Qorane Maxamed oo ka mid ahaa wafdiga maanta tegay Buundada Midigar ee Sunijiif ayaa sheegay in Alle mahadiis in ay san jirin wax cabsi ah oo laga qabin biyaha Roobka in ay waxyeelo u geystaan Buundada.

Sh.Cabdiqani Qorane ayaa sidoo kale xusay in dhismaha Buundada Midigar ee Sunijiif ay iska kaashadeen dowladda puntland iyo shacabka taasna ay tilmaam u tahay in haddii la is kaashado wax walba la qabsan karo la iskuna tashan karo.

Guddoomihii gudiga culimada ee dowlada Puntland u xilsaartay dhimaha Buundada Midigar ee Sunijiif Sh Mxamuud Xaaji Yuusuf oo ayaa mahad balaaran u jeediyey cid walba oo ka qayb qaadatay dhismaaha Buunadadaan isagoo ugu baaqay.

Culimo’udiin uu horkacayo Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa bishii julay 31-deedii 2014 xariga ka jaray dhismaha Buundada Midigar ee Sunijiif ka dib markii ay sanad ka hor roobab mihiigaan ah oo wata duufaan ay burbur xooggan u geysteen Buundada Midigar ee Sunijiif .

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online