Wasiiro ka tirsan Puntland oo booqday deegaanka Galgala.[Masawiro]
October 22, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa saaka socdaal shaqo u tegay deegaanka Galgala ee Buuraha Golis wasiiro ka tirsa dowladda Puntland iyo Saraakiil ciidan waxaan ay kormeer ku soo mareen saldhigayo ay ciidanka Puntland ay ku leeyhiin Buuraha Golis ka dib markii ay kala wareegeen ciidanka Al-shabaab oo mud halkaas ku sugnaa.
Wasiirada ka tirsan dowladda Puntland ee saaka booqday saldhiyada ciidanka Puntland waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Puntland Xassan Cismaan Aloore , Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaar siinta Hidaha iyo dhaqanka Cabdiweli Xirsi Cabdule Indhaguran, Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax, ,Wasiirka Xannaanada Xoolaha C/llaahi Cali Ducaale, Wasiirka Shaqada Shaqaalaha dhalinyarada iyo Cayaaraha C/raxmaan Sheekh, Wasiirka Hawlaha guud iyo Gaadiidka Cabdirashiid Maxamed Xirsi, Agaasimaha guud ee ciidamada badda Puntland C/naasir Biixi Soofe.
Socdaalka Wasiirada ka tirsan dowladda Puntland ay ku tageen deegaanka Galgala ayaa waxaa u jeedkiisa uu ahaa in ay u kuurgalaan xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin Ciidanka difaac Puntland ee howl galada ka wada Buuraha Golis dhowr jeerna dagaal ku qaaday saldhigyo ay Al-shabaab ka samaysteen Buuraeyda Golis.
Wasiiradda ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa markii ay gaareen deegaanka Galgala waxaa soo dhaweeyey taliyaha guud ee ciidamada difaac Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi Siciid dheere iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka daraawiishta iyo kuwa badda ee Puntland.
no images were found
Gabagabadii socdaalka Wasiirada ka tirsan dowladda Puntland ay ku tageen deegaanka Galgala ayaa waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka warfaafinta Puntland C/weli indhaguran isagoo ka warbixiyey u jeedka socdaalkooda uuna ku sheegay in uu ahaa in ay soo eegaan xaalada dhabta ah ee ka jirta degaanka Galgala xaaladuna ay tahay mid degan cidanka Puntland ay wadaan howl galkooda ay Al-shabaab uga sifeynayaan Buuraha Golis .
M_M Deeq
Halgan.net