Xildhibaan Cabdullaahi Rooble oo ka badbaaday isku day dil
October 26, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maanta lagu dhaawacay magaalada Muqidsho ee caasimada dalka Soomaaliya mid ka mid ah xubnaha Golaha baarlamanka ee Dowladda federaala Soomaaliya xili uu ku sugnaa albaabka hore ee Hotel Safaa oo ku yaal xaafada Taleex ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Cabdullaahi Rooble oo dhawaan ku biiray Golaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa gaaray dhaawac fudud waan uu ka badbaaday isku daygii lagu khaarajin lahaa.
Xildhibaan Cabdullaahi Rooble ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka weyn ee Banaadir ee magaalada Muqdisho oo hadda lagu daweynayo, Ilaa hadda ma jiro cid sheegtay isku dayga lagu khaarajin lahaa Xildhibaanka xili khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya uu gaaray meel sare.
A/cawaale
Halgan.net