Xukunka Qofka Diinta ka Laabta W/Q Abdulkadir Dalmar
October 10, 2014 - Written by EditorXilli kasta waxaa jira dagaal ka dhex taagan xaqa iyo baadilka. Dagaalkaas oo soo bilowday xilligii nabi Aadam. Nabi Aadam(SCW) waxaa la siiyey xorriyad dhammeystiran, taas oo ah in uu sidii uu doono jannadda u isticmaalo laakiin uusan u dhawaan geed ka mid ah geedaha jannadda. Markaas ayuu nabi Aadam cunay geedkii, saas ayaana jannadii looga saaray. Shaydaanku had iyo goor waxuu ka soo galaa dadka ama u qurxiyaa wax yaabaha Eebe ka reebay.
Akhristow waxaa la soo celceliyaa waqtiyadan dambe dood ku saabsan Riddada, Doodaas oo aan dhex oolin fuqahadii Islamka ee hore, sikastaba ha ahaatee waxay ku saabsantahay qofka diinta Islamka ka laabta ma la dili karaa mise maya? Waxaan jeclahay akhristow in aan soo gudbiyo adillo ama caddaymo saxiixa ah ee ku soo arooray xukunka qofka Riddoobay iyo sida ay u qaateen una fuliyeen saxaabadii rasuulka(صلى الله عليه وسلم) arinkan.
قال تعالى: { وَلَقَدْ قَالُواْ كَلِمَةَ الْكُفْرِ وَكَفَرُواْ بَعْدَ إِسْلامِهِمْ وَهَمُّواْ بِمَا لَمْ يَنَالُواْ وَمَا نَقَمُواْ إِلاَّ أَنْ أَغْنَاهُمُ اللَّهُ وَرَسُولُهُ مِن فَضْلِهِ فَإِن يَتُوبُواْ يَكُ خَيْرًا لَّهُمْ وَإِن يَتَوَلَّوْا يُعَذِّبْهُمُ اللَّهُ عَذَابًا أَلِيمًا فِي الدُّنْيَا وَالآخِرَةِ } التوبة الآية 74.
Eebbe (SWT) waxuu yiri “Waxay yiraahdeen hadal gaalnimo ah wayna gaaloobeen Islaanimo kadib, ayna dooneen waxayna gaareyn, ma annaan eersan in Alle iyo Rasuulkiisu ay qani kadhigeen maahee fadligiisa, haddey toobadkeenaan khayr bay u tahay, hadday jeedsadaanna waxuu Eebe cadaabin cadaab daran adduun iyo aakhirba”.
Waxaan aayadda ka ogaannay in aakhiro iyo adduunba lagu ciqaabin qofka diinta ka riddooba, cadaabka dunidda ee aayadu sheegtayna iyo qaabka uu noqonayo cadaabkaas waxaa caddeynaya axadiista nabigga ee soo socda.
- Xadiiskan oo uu noo warinayo C/llaahi ibnu Mascuud(RC),Nabigu(صلى الله عليه وسلم) waxuu yiri Dhiigga qofka Muslimka ahi mabanaana ee qiray shahaada taynka ilaa sadex qolo mooyee, 1.qof guur horey u soomaray oo sineystay 2. naf naf loodilo iyo 3. qof diintiisa ka tagay(islam) oo jamaacadii(muslimiinta) ka dhexbaxay.( البخاري 6878 ، ومسلم 1676).
- Xadiis kale oo uu noo warinayo Amiirul muminiin Cuthman ibnu Cafaan Nabigu (صلى الله عليه وسلم) waxuu yiri dhiigga qofka muslimka ahi ma bannaana sadex qolo maahee”qof sineystay oo muxsin ahaa (sooguursaday) oo markaas larajmiyo(dhagax lagu dilo),Qof qof dilay oo markaas loo dilay, qof gaaloobay islaamnimadii kadib oo ladilo”. Waxa laga heli karaa kitaabada kala ah Musanaf C/risaaq Sancaani iyo Nisaa’i. Waxaa la mid ah xadiiskan,xadiiska caa’isha (no.4017 ee Nisaa’i).
Labadaan xadiis waxaa ku cad qofka diinta Islaamka ka baxa in la dilayo.
- Cikrimah waxaa laga wariyey in Cali ibnu abii daalib uu gubay dad Riddoobay markaas ayaa waxaa maqlay ibnu Cabbaas(RC) oo yiri haddaan aniga ahaan lahaa ma aan gubeen maxaa yeelay nabiga ayaa yiri cadaabta Alle wax haku cadaabina laakiin waan dili lahaa sidii uu nabigu uu yiri(صلى الله عليه وسلم) “qofkii diintiisa badala dila”Bukhaari no 6922 p335/vol 12.
Ficilkan markii uu sameynayey Cali waxaa goob jog ka ahaa muslimiin badan,ibnu Cabbaasna waa uu ku raacay dilka laakiin waxuu yiri in lagubo ma ahayn waxayna daliil utahay in ladili karo qofkii muslinimada ka laabta.
- Sida Bukhari iyo Muslim ku qoron Nabigu(صلى الله عليه وسلم) waxuu u diray abu Muuse Al ashcari Yamen oo uu madax uga dhigay,kadibna waxaa laga daba diray Mucaad ibnu Jabal(RC). Makuu gaaray Yamen ayuu Abu- Muse soo dhaweeyey, markaas wax Abu-Muuse u xiran nin diinta ka laabtay oo reer yahuud ahaa oo u laabtay yahuudnimadisii,Mucaad ayaa yiri fariisan mayo ilaa aad dishid murtadka oo aad ku fulisid xukunka Alle iyo Rasuulkiisa. Mucaad waxa uu ku celceliyey sadex jeer. ( البخاري 6923p335/vol 12.، مسلم ، 1733).
Xadiiskan waxaad ka ogaan Murtadka oo ladilo in aytahay xukun alle. Waxay ka mid yahiin Mucaad iyo Abu-Muusa dadka saxaabada rasuulka ugu cilmiga badnaa
- Bukhari 6924 p345 vol 12 iyo Muslim waxaa ku sugan khabarka Abu-Hureyra uu noo soo gudbiyay”markii nabigu uu geeriyooday oo Abu-bakar khilaafada qabtay waxaa gaaloobay carab badan wuuna la dagaalamay abu-bakar waxaan goob jog ahaa dhamaantood waana ijmaac saxaaba in lala dagaalamo xitaa qofkii diida zakada in uu bixiyo ”Iimaamu Bukhari waxuu uu cinwaan ugadhigay qisadaan” In ladilo qofkii diida Faraida sidoo kale ladilo kuwii lootiiriyey Ridadda” Fiqiga Iimaamu Bukharina waxaa laga fahmaa tarjumadiisa.
- . Ibnu-mascuud ayaa u soogudbiyey Cumar binu khidaab akhbaarta dad reer Ciraaq ah oo Diintii kalaabtay markaas ayuu Cumar(RC) u soo qoray ibnu mascuud” diinta xaq ah u soo bandhig iyo shahaadataynka hadii ay yeelaan ka hor wareeg hadii kale dil markaas qaar ayaa soo laabtay oo la siidaayey qaarkii kalena waa ladilay”. Musanaf C/risaaq18708
Waxaan halkaan ku soogudbiyey nasuus cadcad,sidoo kale waxaa ku dhaqmay nasuustan oo fuliyey ficil ahaan Asxaabtii Nabiga sida Abu-bakar,
Cumar,Cali,Abu-Musa iyo Mucaad. Akhristow Ma iyagan kabadinaa diinta mise waynu is yeelyeelaynaa.waxaa hubaal ah in ay naga badiyeen diinta in la hareermarana ay tahay baadi cad. Sidaas ayey ummada Islaamka ah ay isku waafaqday waxaan soo guuriyey ijmaac Muslimiinta ibnu Abdul Bar, Iimaamu Nawawi,Ibnu Qudama iyo kuwo kale.
Gabagabo iyo gunaanad
Waxaan ku baraarujinayaa walaalaha af soomaliga ku hadla in ay jireen taariikhihii hore dad diinta qalloociya axaadiista Nabigana aan siin ahmiyadda ay leeyihiin, xili walbana la heli karo dadka noocaas oo kale ah.
Jaliil waa ilaah oo waxyigu ma aha dhawr jaade
Waa kii janada uumay iyo jahanab naareede
Jini iyo insina waa maraan jiitintuu dhigaye
Haddiise aad jalaado oo naftii jaraja loo taago
Jidka waxaad la qaadaaba waa jaan yar oo fudude
Qofwalbow jaasadaad dhigatay ayaa jiifka kuu iman.(Sayid. M)
Abdulkadir Dalmar
akdalmar@hotmail.com