Al-shabaab oo weeraray Saldhigii ugu weynaa ee Ciidanka AMISOM ee Muqdisho
December 25, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maanta weerar ay Al-shabaab la bartilmaamsadeeen Saldhiga ugu weynaa ee ciidanka AMISOM ee ku yaal Xalane , weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay dhinac danbe ee Xerada Xalane iyadoo ciidanka AMISOM iyo ciidankii Al-shabaab uu dhexmaray iska horimaad xooggan.
Idaacadda VOA- oo waraystay Afhayeenka ciidanka AMISOM Cali Aadan Xaamud ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo khasaaraha soo gaaray ciidanka AMISOM isagoo ku nuux nuux saday in ay iska caabiyeen weerarka lagu qaaday Saldhiga ugu weynaa ee ciidanka AMISOM ee ku yaal Xalane.
Dhinaca kale Afhayeenka kooxda Al-shabaab Cali Maxamuud Raag Cali Dheere oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay khasaaro fara badan ay gaarsiiyeen ciidanka AMISOM ee ku sugnaa xerada Xalane.
Afhayeenka kooxda Al-shabaab ayaa xusay in guul ay ka gaareen weerarkii ay ku qaadeen Saldhiga ciidanka AMISOM iyagoo ku dilay Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo kuwa reer Galbeedka oo ku lahaa saldhigyo qarsoodi ah oo lagu xiro muslimiinta geeska afrika.
A/cawaale
Halgan.net