Ardayda Dugsiga Hoose/Dhexe ee Imaamu Shaafici oo Maanta u Fadhiistay Imtixaankii Teeramka Dhexe (Masawiro)
December 30, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa Maanta Ka Bilowmay Imtixaanadii Teeramka Dhexe ee Sanandka Dugsiyeedka 2014/2015 Dugsiga Hoose Dhexe ee Imaamu Shaafici Magaalada Laascaanod ee xarunta Gobolka Sool .
Imtixaanka Waxaa uu Ardayda U Bilaamay Maanta oo ah (Arbaca ) isaga oo Maalmaha Soo Socda uu Socon Doono Lana Soo afmeeri doono Dabayaaaqada Todobaadka Soo Socda. hadii Alle idmo .
Ardayda oo Imtixaanka u kala galaya Qaybo Kala duwan oo Kala Geli Doona Sadexda Galin ee Maalintii , Dugsiga Hoose Dhexe ee Imaamu Shaafici oo Laascaanood laga aas aasey Sanadkii 1996 waana Dugsigii Hoose ee dhexe oo Ka mida Dugsiyada Waawayn ee Ugu Tirada Badan uguna Tayada Wanaagsan ee Dugsiyada Hoose dhexe ee Laascaanood Wuxuu Dugsiganai Soo Saaraay 19 kii Sano ee u danbeeyey Boqollaal arday oo Qarkood Dhameeyeen Jaamcadaha , Dugsiyada Sarena Wax ka bartaan. Tirada Guud ee Ardayda Wax ka barta Dugisgan ayaa Ah 1000 Arday.iyadoo ka qalin jabinyeen 15 Dufco Ardaydii dhameysey kana qalin jebiyay kor u dhaafeen 1200 oo Arday , oo isugu jira wiilal iyo Hablo .
no images were found
Maamulaha Guud ee Dugssiag imaamu Shaafici Sh C/Laahi maxamuud Maahir oo ah Shakhsi aad u Fir fircoon ayaaa Ahaa Maamulihii Ku Guulaystay inuu Dugsigu Ku Tallaabsado Hormar Dhinacyo badan Taabanaya .
Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Halgan.net