Ardayda Dugsiga Hoose/Dhexe ee Imaamu Shaafici oo shalay u fadhiistay Imtixaankii Teeramka Dhexe [Masawiro]

December 31, 2014 - Written by Editor

2Laascaanood:-Waxaa shalay ka bilowday Imtixaanadii Teeramka  Dhexe ee Sanandka Dugsiyeedka 2014/2015 Dugsiga Hoose Dhexe ee Imaamu Shaafici   Magaalada Laascaanod ee xarunta Gobolka Sool. Imtixaanka  waxaa uu ardayda u bilaamay maanta oo ah (Arbaca ) isaga oo Maalmaha Soo Socda uu Socon Doono Lana Soo afmeeri doono Dabayaaaqada Todobaadka Soo Socda. hadii Alle idmo .

Ardayda oo Imtixaanka u  kala galaya  Qaybo kala duwan oo kala geli doona 3-da galin ee maalintii , Dugsiga Hoose Dhexe ee Imaamu Shaafici oo Laascaanood laga aas aasey Sanadkii 1996 waana Dugsigii Hoose ee dhexe oo ka mid yahay Dugsiyada waawayn ee Ugu Tirada badan uguna Tayada Wanaagsan ee Dugsiyada Hoose dhexe ee magaalada Laascaanood Wuxuu Dugsigani soo saaraay 19 kii Sano ee u danbeeyey Boqollaal  arday ah oo qaarkood Dhameeyeen Jaamcadaha , Dugsiyada Sarena wax ka bartaan.

Tirada Guud ee Ardayda wax ka barta dugisgan ayaa ah 1000 Arday iyadoo  ka qalin jabiyeen 15 Dufco Ardaydii dhameysey kana qalin jebisayna ay kor u dhaafeen 1200 oo Arday , oo isugu jira wiilal iyo Hablo .

Maamulaha guud ee Dugsiga imaamu Shaafici Sh C/Laahi Maxamuud Maahir oo ah shakhsi aad u fir fircoon ayaaa ah Maamule ku Guulaystay inuu Dugsigu ku tallaabsado Horumar Dhinacyo badan Taabanaya .

no images were found

Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Lascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online