Caaqil Maxamuud Yuusuf Boos oo lagu caleemo saaray magaalada Boocame.[Masawiro]
December 8, 2014 - Written by EditorBoocame:-Waxaa dhacday Degmada Boocame xaflad si weyn loo soo abaabulay oo aad u ballaadhan, xafladaas oo lagu caleema saarayey Caaqil Maxamuud Yuusuf Boos.Caaqil Maxamuud Yuusuf Boos ayaa kamid noqon doona cuqaasha Gobolada Sool Sanaag Iyo Cayn waxaana munaasbadan ka sooqayb galay dadwayne aad u fara badan Culimo aqoon yahano Sidoo kale waxaa halkaas siwayn oagahadlay Cuqaasha.
Caaqil Lagu Caleemo Saaray Magaalada Boocame Caaqil Maxamuud Yuusuf Boos deegaanka Boocame waxaana ay ka sheekeeyeen sida ay ugu farax sanyihiin Caleemo saarka Beesha Reer Cabdi, ay ku caleemo saareen Caaqil Maxamuud Yuusuf Boos waxaan leenahay caaqil ku soo dhawoow maanta laga bilaabo ka mid noqoshaha Cuqaasha Beesha Xassan Ugaas, Saciid Haruun.
Ugaaska Beesha Xassan Ugaas, Ugaas Cabdillaahi Isse Nuur, Cuqaasha ayaa halkaas ku caleemo saaray Caaqilka Cusub waxaana Qudbad qiimoleh ka soojeediyay Halkaas Ugaas, Ugaas Cabdillaahi Isse Nuur oo ku amaanay beesha qaaqilka inay soodoorteen shaqsi muxtarim ah Ugaaska ayaa halkaa ogaduceeyay dhamaan dadkii ka soo qayb Galay Munaasibada Caleemo saarka.
kulan oo aan ku sugnaa ayaa waxa uu ahaa midaan hore ugu arag goobaha kale halkaas oo ay kamuuqatay farxad aad u qiimobadan oo dadkii soo jiidatay oo ay la dheceen caleemo saarka waxaa kaalin aan lahil maamikarin ka qaatay Hooyooyinka ururda bulshada gaar ahaan guuto koobaad oo hidaha iyo dhaqanka ku xardhay Goobtaas.
Boocame waxa ay kamid tahay Goobaha ugu soo dhawaynta fiican Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn waxaana ku nool dad jecel dadka ay dhulka iyo dhiigaba wadaagaan waxaana dareemaysaa markaad joogto inaad joogto magaalo aad waligaa daganayd magaaladan waxaad ka helaysaa guud ahaan adeegyada Caafimaadka waxbarashada waana halka kaliya ee gobolka Sool leh biyo Joogto ah gaar ahaan biyo gashan.
no images were found
C/kariim C/laahi
Lascand,Somalia