Ciidamada Puntland oo kala wareegay Al-Shabaab degaanka Madashoon
December 29, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Wararka naga soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada dowladda Puntland ay shalay howl galo ka fuliyeen deegaanada fog fog ee Buuraha Golis waxaan iska horimaad hubaysan uu dhexmaray ciidamada ka tirsan Al-shabaab.
Ciidanka dowladda Puntland gaar ahaan kuwa PIA ayaa weeraray Saldhiga ay Al-shabaab ka samaysteen deegaanka Madashoon oo dhinaca Galbeed kaga beegan Galgala una jirta 23-KM iyagoona la wareegay gacan ku haynta deegaanka Madashoon sidda uu saxaafadda u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland ee Aaga Galgala.
Sarkaal u hadlay Ciidanka Puntland ayaa sheegay in howlka ay shalay ka fuliyeen deegaanka Madashoon ay ku dileen ilaa 12 ka tirsan Al-shabaab.
Ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay saldhiga ka samaysteen degaanka Madashoon ka dib markii ay ciidanka Puntland ay qabsadeen deegaanka Galgala oo horay ay saldhig uga samaysteen Ciidanka Al-shabaab.
M_M_Deeq
Halgan.net