Ciidanka DFS oo howlgalo ka wada inta u dhexeysa Buulo-burte iyo Jalalaqsi
December 30, 2014 - Written by EditorBuulo-burte:-Ciidanka DFS oo ay weheliyaan ciidamo madani ah oo ka soo jeeda Degmada Buulo-burte iyo Jalalaqsi ayaa ku guuleystay in ay ka saaraan kooxda Al-Shabaab tuulooyin u dhexeeya Degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi.
Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay waxay billaabay howlgal ay kaga qaadayaan xayiraada ay saareen kooxda Al-Shabaab Degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha degmada Buulo-burte Cusmaan Geeddi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka DFS ay ka ceyriyeen kooxda Al-Shabaab tuulooyin u dhexeeya Degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi wuxuuna sheegay in xaalada Degmada Buulo-burte ay tahay mid adag.
Ciidanka DFS ayaa waxay shalay ka ruqaansadeen Degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi waxaana ay balantu tahay in ay ku kulmaan tuulada Buurwayn oo u dhexeysa Degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi .
Ciidanka DFS ayaa waxaa ay galbinayaan raashin Gargaar ah oo loo wado Degmada Buulo-burte oo ay xayiraad saareen kooxda Al-Shabaab waxaan Degmada Buulo-burte gaajo ugu dhintay tiro shacab ah oo ku haray Degmada.
A/Cawale
Halgan.net