Ciidanka nabad sugida oo soo bandhigay Xasan Xanafi oo haatan ku jira gacanta DFS
December 9, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidamada Nabad Sugida ayaa markii ugu horeysay waxaa ay saxaafada u soo bandhigeen Xasan Xanafi Xaaji oo ka mid ahaa kooxda Al-Shabaab loona heysto in uu ka danbeeyey dilka saxafiyiin badan oo lagu dilay magaalada Muqdisho. Xasan Xanafi waxaa gacanta ku dhigay ciidanka Sirdoonka ee dalka Kenya waxaana ay gacanta u soo galiyeen ciidanka nabadsugida ee DFS kuwaas oo haatan baaritaano kala duwan ku wada.
Afhayenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee DFS Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Xasan Xanafi uu ka danbeeyo dilal loo geystay allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi, Sheekh Nuur Maxamed Abkey, Saciid Tahliil, Muqtaar Maxamed Hiraabe iyo wariyaal kale .
Afhayenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee Dowladda Federaalka SoomaaliyaMaxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in sharci dhawaan la horkeeni doono Xassan Xanafi oo loo heysto abaabulka dilal kala duwan.
A/Cawale
Halgan.net