Ciidanka nabad sugida oo soo bandhigay Xasan Xanafi oo haatan ku jira gacanta DFS

December 9, 2014 - Written by Editor

DSC00045Muqdisho:-Ciidamada Nabad Sugida ayaa markii ugu horeysay waxaa ay saxaafada u soo bandhigeen Xasan Xanafi Xaaji oo ka mid ahaa kooxda Al-Shabaab loona heysto in uu ka danbeeyey dilka saxafiyiin badan oo lagu dilay magaalada Muqdisho. Xasan Xanafi waxaa gacanta ku dhigay ciidanka Sirdoonka ee dalka Kenya waxaana ay gacanta u soo galiyeen ciidanka nabadsugida ee DFS kuwaas oo haatan baaritaano kala duwan ku wada.

Afhayenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee DFS Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Xasan Xanafi uu ka danbeeyo dilal loo geystay allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi, Sheekh Nuur Maxamed Abkey, Saciid Tahliil, Muqtaar Maxamed Hiraabe iyo wariyaal kale .

Afhayenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee Dowladda Federaalka SoomaaliyaMaxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in sharci dhawaan la horkeeni doono Xassan Xanafi oo loo heysto abaabulka dilal kala duwan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online