Diyaaradaha Maraykana oo caawa duqeeyey deegaanka Saakow
December 30, 2014 - Written by EditorSaakow:-War lagu qoray mareegta wasaaradda Difaaca ee Dowladda Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradaha Maraykana ay weerar dhinac cirka ah ay ka fuliyeen caawa deegaanka Saakow ee gobolka Jubada dhexe .
Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee dowladda Maraykana oo lagu magacaabo Mark Wright ayaa sheegay in weerarka ay la bartilmaamsadeen Sarkaal ka tirsan ururka Al-shabaab isagoo sheegay in aysan hadda wax faahfaahin ka bixinayna ilaa xogta oo dhamaystiran iyo khasaaraha ay hellaan.
Afhayeenka wasaaradda difaaca dowladda Maraykanka Mark Wright ayaa yiri ” Ma jiro wax rayid ah oo weerarku wax ku gaareen balse waxaan xogta oo dhamaystiran bixinaynaa marka aan helno najiijada howl galka caawa dhacay.”
Weerarka ay caawa fuliyeen diyaaradaha ciidanka Maraykanka ayaan ahayn kii ugu horeeyey balse waxaa jira weeraro dhowr ah oo ay ka fulyeen gudaha Soomaaliya laguna dilay Saraakiil iyo madax ka tirsanaa ururka Al-qaacid oo ka bar bar dagaalamayey ururka Al-shabaab.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab oo ku aadan weerarka caawa ay ka fuliyeen Deegaanka Saakow diyaaradaha ciidanka Maraykana oo khasaaraha ka dhashay aan weli la soo bandhigin. Halkaam ka eeg qoraalka lagu qoray mareegta wasaaradda difaaca ee Maraykanka
A/cawaale
Halgan.net