Diyaaradaha Maraykana oo caawa duqeeyey deegaanka Saakow

December 30, 2014 - Written by Editor

usaSaakow:-War lagu qoray mareegta wasaaradda Difaaca ee Dowladda Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradaha Maraykana ay weerar dhinac cirka ah ay ka fuliyeen caawa deegaanka Saakow ee gobolka Jubada dhexe .

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee dowladda  Maraykana oo lagu magacaabo Mark Wright ayaa sheegay in weerarka ay la bartilmaamsadeen Sarkaal ka tirsan ururka Al-shabaab isagoo sheegay in aysan hadda wax faahfaahin ka bixinayna ilaa xogta oo dhamaystiran iyo khasaaraha ay hellaan.

Afhayeenka wasaaradda difaaca dowladda Maraykanka Mark Wright ayaa yiri  ” Ma jiro wax rayid ah oo weerarku wax ku gaareen balse waxaan xogta oo dhamaystiran bixinaynaa marka aan helno najiijada howl galka caawa dhacay.”

Weerarka ay caawa fuliyeen diyaaradaha  ciidanka Maraykanka ayaan ahayn kii ugu horeeyey balse waxaa jira weeraro dhowr ah oo ay ka fulyeen gudaha Soomaaliya laguna dilay Saraakiil iyo madax ka tirsanaa ururka Al-qaacid oo ka bar bar dagaalamayey ururka Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab oo ku aadan weerarka caawa ay ka fuliyeen Deegaanka Saakow diyaaradaha ciidanka Maraykana oo khasaaraha ka dhashay aan weli la soo bandhigin. Halkaam ka eeg qoraalka lagu qoray mareegta wasaaradda difaaca ee Maraykanka

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online