Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo gaaray magaalada Muqdisho
December 16, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maalmahaan la hadal hayo in Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu u magacaabi doono Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Dr.Cumar Cabdirashiid ayaa diyaarad khaas ah ay keentay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isagoo ka soo duulay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ka dib safar uu uga soo kicitimay dalka Mareekanka.
Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa markii uu soo gaaray Garooka Adan Cadde ee Muqdish waxaa soo dhaweeyey Siyaasiyiin caan ah iyo Xildhibaano ka tirsa dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa uu Ra’iisul wasaare ka soo noqday dowladii KMG ahayd, ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sh Sharif Sh Axmed, wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegay in maalinta beri ah ama caawa loo magacaabi doono Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net