Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo gaaray magaalada Muqdisho

December 16, 2014 - Written by Editor

sharmaakeMuqdisho:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maalmahaan la hadal hayo  in Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu u magacaabi doono Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Dr.Cumar Cabdirashiid  ayaa diyaarad khaas ah ay keentay  garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isagoo ka soo duulay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ka dib  safar uu uga soo kicitimay dalka Mareekanka.

Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa markii uu soo gaaray Garooka Adan Cadde ee Muqdish waxaa soo dhaweeyey  Siyaasiyiin caan ah iyo Xildhibaano ka tirsa dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa uu Ra’iisul wasaare ka soo noqday dowladii KMG ahayd, ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sh Sharif Sh Axmed, wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegay in maalinta beri ah ama caawa loo magacaabi doono Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online