Gudoonka waxbarashada Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho oo kormeeray dugsiyada Qardho

December 14, 2014 - Written by Editor

1Qardha:-Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Karkaar Bashiir Axmed Gaalo Eri iyo Gudoomiyaha Degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiya ayaa Waxaa ay kormeer ku tageen dugsiyada magaalada qardho ayagoo u kuurgalaya sida ay u socdaan Imtixaanada.

Masuuliyeenta ayaa waxa ay ugu horayn kormeer ku tageen Dugsiga Sare ee Al-Muntada Qardho oo ah Dugsiga hada Hogaaminaya Dugsiyada Puntland oo kaalinta koowaad ka galay imtixaankii Shahaadiga ee Dugsiyada Sare sanad dugsiyeedka 2013/2014 waxa ayna mid mid u galeen fasalada iskuulka ee ardadu imtixaanka u fadhiyeen.

Masuuliyiinta waxbarashada Gobolka iyo Degmada ayaa waxa ay sidoo kale kormeereen Dugsiyada kale ee magaalada oo ay ka mid yihiin Dugsiga sare ee Sheikh Osman iyo Dugsiga Xaaja Aadan.

Bashiir Axmed Gaalo Eri oo Saxaafada la hadlaya ayaa ka warbixiyay ujeedka kormeerkooda waxaana uu yiri waxa ujeedkeenu ahaa inaan wax ka ogaano sida ay imtixaanadu u socdaan imtixaanadaa oo wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland u astaysay inay bilowdaan Maalinta Sabtida ah taariikhduna ay tahay 13 December 2014 oo ay dhamaadaan 19 December 2014 hadana waxaan aragnaa buu yiri inay imtixaanadii ay si wanaagsan uga socdaan Gobolka Karkaar ayna u mahadcelinayaan dhamaan dadka ku howlan arimaha waxbarashada.

Sicid Maxamed faahiye oo ah gudoomiyha waxbarashada degmada Qardho ayaa asna dhankiisa u mahadceliyay dhamaan maamulayaasha Dugsiyada iyo macalimiinta oo marwalba ku howlan sidii loo tayayn lahaa waxbarista ubadka soomaaliyeed bulshada qardhana marwalba ay xilwayn iska saaraan waxbarashada taa oo magaalada Qardho gaarsiisay inay imtixaanadii shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka 2013/2014 dugsiyada magaalada ay ka galaan kaalinta koowaad iyo tan labaad sidoo kalana ardaygii ugu horeeyay iyo ardaygii sadexaad ay ka mid ahaayeen ardada magaalada Qardho.

Maamule ku xigeenka Dugsiga Al-muntada Qardho oo asna la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay aad ugu mahadcelinay masuuliyiinta wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland oo marwalba soo booqonaya dugsiyada marka lagu jiro duruusta caadiga ah iyo marka ay tahay imtixaanada.

no images were found

Kormeerkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili dhamaan ardayda waxkabarata dugsiyada ku yaala deeganada Puntland ay u fadhiyaan Imtixaankii dhexe ee sanad dugsiyeedka 2014/2015

Daauud Maxamed Xasan (Daauud Giirow)
Qardho-Puntland-Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online