Maamulka Degmada Qardho oo ka warbixiyay howlo burburin goobo sharci daro ah.[Maswiro]

December 4, 2014 - Written by Editor

2Qardho:-Maamulka Gobolka iyo kan degmada Qardho ayaa maanta ka warbixiyay goobo ganacsi oo sharci daro ah oo ka dhisan hareeraha wado dhawaan ladhagax dhigay magaalada Qardho wadadaas oo lasaari doono laami dhamaadka sanadka 2014. Gudoomiyaha Gobolka Karkaar C.quraan Maxamed Aadan oo ka warbixinaya halka ay howlaha burburintu marayaan ayaa sheegay in ay si wanaagsan u socdaan howlahaas shacabkana loo qabtay maalmo gudohood inay ku burburiyaan goobaha la calaamadeeyay si wanaagsana ay uga mahadcelinayaan dhamaan dadkii u hogaansamay amarkaa, dadka aan wali burburin goobihii laga calaamadeeyayna ay ugu baaqayaan inay inta goori goor tahay ayagu ay burburistaan gooobahooda inta aan la keenin Cagaf oo aan la isla dumin dhamaan guriga cidii sidaa lagu sameeyana ayadu ay masuul ka tahay wixii ay cagaftu gaysato ama ay dumiso cid uu u raacdana aysan jiri doonin.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in dhawaan magaaladu ay soo gaareen Ciidamo tiradoodu ay ka badan tahay 300 oo ay hadda ku jiraan Xerooyinka ciidamada ee magaalada Qardho Ciidamadaasna ay uga faa’iidaysanayaan inay u adeegsadaan cidii ka dhaga adeegta amarka dowladda awood buuxdana ay u leeyihiin.

Ku simaha duqa magaalada Qardho ahna xoghayaha dowlada hoose Maxamuud Maxamed Shire Jaamac ayaa sidoo kale dhankiisa sheegay inay aad ugu mahadcelinayaan dhamaan dadkii u hogaansamay amarkii dowlada ee ahaa in la burburiyo dhamaan goobaha sharci darada ah ee ka dhisan hareeraha wadooyinka waxa uu sidoo kale u mahadceliyay shirkado iyo shakhsiyaad ka qayb qaatay mashaariicda lagu dhisayo wadooyinka oo ay ka mid yihiin Shirkada Isgaarsiinta Golis, Salaam Puntland Bank, Shirkada Baasawayn, Eeneeye iyo shakhsiyaad ay ka mid yihiin C/qaadir Yaasiin Maxamed, Madaxweyne, C/sandheere, Maxamed Salaad Cismaan Geele, Eng. Maxamed Cilmi oo asna si lacag la’aan ah uga shaqeeya horumarinta wadooyinka halka magaalooyinka kale Eng da lacag lasiiyo dhamaan shirkadahaas iyo dadkaas waxa ay ka qaybqaateen oo ay bixiyeen lacago laga rabay degmada lacagtaas oo ah in 5% lacagta lagu dhisayo wadooyinka ay bixiso degmada halka degmada aysan usoo xaroon canshuuro ku filan oo ay ku bixiso lacaghaa.

Xildhibaan C/casiis Maxamuud Cilmi oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka ayaa asna sidoo kale dhankiis aaad usoo dhoweeyay aadna u amaanay dhamaan shirkadaha iyo shakhsiyaadka ka qaybqaatay horumarinta degmada. Shacabka ayaa sidoo kale dhankooda aad u soo dhoweeyay arintan oo horumar u ah magaalada waxayna ay sheegeen inay aad usoo dhowaynayaan wax walba oo lagu horumarinayo degmada lana shaqayn doonaan Maamulka gobolka iyo kan degmada.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogaamo uu calaamado ku dhuftay goobo sharci darro ah oo ka dhisan hareeraha wadada dhawaan lasaari doono laamiga taas oo ah wadada Leendheere oo ah wadada ugu mashquulka badan magaalada Qardho.

no images were found

Daauud Maxamed Xasan (Daauud Giirow)
Qardho-Puntland-Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online