Maamulka iyo Wariyaasha ka howlgala warbaahinta Muqdisho oo soo dhaweeyey qabshada Xasan Xanafi.

December 10, 2014 - Written by Editor

wariyaalMuqdisho:-Kulan ay maanta isigu yimaadeen Agaasimayaasha iyo Wariyaal ka howlgala warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku soo dhaweeyeen in gacanta DFS uu soo galay Xasan Xanafi Xaaji oo ah Sargaal Shabaab ka tirsan islamarkaana Shabaab u qaabilsanaa dilalka wariyaasha magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Abwaan Cismaan C/laahi Guure oo ah haatan Agaasimaha Radio Kulmiye si weyna loogu xasuusto fagaarayaashii lagu taargeeri jiray Midowgii Maxaakimta Islaamiga oo uu gudoomiye u ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee DKMS.

Abwaan Guure ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan qabashada Xasan Xanafi iyo cid walba oo dil u geystay wariyaasha Soomaaliyeed wuxuuna ka codsaday DFS in sharci la marsiiyo Xasan Xanafi.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay oo soo dhaweeyey qabashada Xasan Xanafi wariyaasha kala ah C/qaadir Maxamed Faarax”Dulyar,C/raxiin Ciise Cadoow oo ah Agaasimaha Radio Muqdisho,wariye Maxamed Ibaarhin Pakistaan iyo qaar ka mid ah ehelada wariyaal uu shirqoolay dilkoodana uu ka danbeeyey Xasan Xanafi.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa laamaheeda amaanka waxay shalay soo bandhigeen Xasan Xanafi oo loo heysto edeymo kala duwan oo ay ugu horeyso wariyaal lagu dilay magaalada Muqdisho waxaana ay sheegeen in ay maxkamad horkeeni doonaan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online