Mac-had ka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha oo la dhagax dhigay.[Masawiro]
December 29, 2014 - Written by EditorDhahar:-Waxaa saaka la dhagax dhigay Bogcada Mac-hadka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha , Bogcadu waa ilaa 70 dherar iyo 60 balac ah waxay ku taal meel dadka dhan soo wada gaari karaan.
Mac-had ka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha ayaa ah Mac-had furan oo lagu barto Shareecada iyo Xirfadahaba balse Mac-hadku ma lahayn dhismo u gaar ah oo uu leeyahay.
Xaflada dhagax dhiga Mac-had ka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne fara badan ,Xildhibaano ka tirsan dowladda Puntland.
Ugu horayntii Xaflada dhagax dhiga Mac-had ka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha waxaa hadal ka jeediyey Sheekh.Faarax Gacamey oo ahaa Shiikhii lahaa fikriga Mac-hadka ka dib waxaa hadalka qaatay Gudoomiyha degmada Dhahar Mustafe Cabdi Aadam isagoo ugu baaqay dadweynaha reer Dhahar iyo Gobolka Haylaan in ay isku taagaan ka qayb qaadashada dhismaha Mac-had ka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha oo ah Mac-had laga faa’iidaystay.
Sidoo kale waxaa goobta Xaflada dhagax dhiga Mac-had ka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha ka hadlay odayaasha dhaqanka , Xildhibaano iyo maamulka shirkada Golis ee Dhahar.
Gabagabadee ayaa xaflada dhagax dhiga Mac-had ka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha ka hadal qiimo leh ka jeediyey Gudoomiye ku xigeen ka Mu’asasada Al-Minhaaj Ciise Siciid isagoo ugu baaqay in dadweyana reer Dhahar iyo Gobolka Haylaan iyo Jaaliyaadka dibada ee Soomaaliyeed ay ka qayb qaataan Dhismaha Mac-hadka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha.
no images were found
Halgan.net