Mac-had ka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha oo la dhagax dhigay.[Masawiro]

December 29, 2014 - Written by Editor

IMG-20141229-WA0000Dhahar:-Waxaa saaka la dhagax dhigay Bogcada Mac-hadka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha , Bogcadu waa ilaa 70 dherar iyo 60 balac ah waxay ku taal meel dadka dhan soo wada gaari karaan.

Mac-had ka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha  ayaa ah Mac-had furan oo lagu barto Shareecada iyo Xirfadahaba balse Mac-hadku ma lahayn dhismo u gaar ah oo uu leeyahay.

Xaflada dhagax dhiga Mac-had ka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne fara badan ,Xildhibaano ka tirsan dowladda Puntland.

Ugu horayntii Xaflada dhagax dhiga Mac-had ka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha waxaa hadal ka jeediyey Sheekh.Faarax Gacamey oo ahaa Shiikhii lahaa fikriga Mac-hadka ka dib  waxaa hadalka qaatay Gudoomiyha degmada Dhahar Mustafe Cabdi Aadam isagoo ugu baaqay  dadweynaha reer Dhahar iyo Gobolka Haylaan in ay isku taagaan ka qayb qaadashada dhismaha Mac-had ka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha oo ah Mac-had laga faa’iidaystay.

Sidoo kale waxaa goobta Xaflada dhagax dhiga Mac-had ka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha ka hadlay odayaasha dhaqanka , Xildhibaano iyo maamulka shirkada Golis ee Dhahar.

Gabagabadee ayaa xaflada dhagax dhiga Mac-had ka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha ka hadal qiimo leh ka jeediyey Gudoomiye ku xigeen ka Mu’asasada Al-Minhaaj Ciise Siciid isagoo ugu baaqay in dadweyana reer Dhahar iyo Gobolka  Haylaan iyo Jaaliyaadka dibada ee Soomaaliyeed ay ka qayb qaataan Dhismaha  Mac-hadka Dhahar ee Culuumta Sharciga ah iyo Xirfadaha.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online